Posts

Showing posts from February, 2021

QISO CAJIIB AH O DHEX MARTAY NIN IYO XAASKIIS

Image
Nin iyo xaaskiisa ayaa markii mudo 11 sannadood ah guurkoodii uu kasoo wareegay ayaa waxaa u dhashay ilmahoodi ugu horeeyay oo wiil ahaa. Waxayna ahaayeen Lamaane is jecel iyadoo wiilka u dhasheyna uu u ahaa tufaaxii indhahoodu ay ku doogsanayeen. Haddaba maalin ka mid ah maalmaha ayaa wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo ama qarsho daawo sharoobo ah oo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaskiisa in ay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn intii loogu tala galay ay ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah. Goortii ilmihii dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan iyo argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedii ama ninkeedii u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay. Markii Aabihii oo walbahaarsan uu yimid cusbitaa...

Lamaane Somaaliyeed

Image
 Waa Lamaane Somaaliyeed oo Runtii Wajiyadooda Laga dheehan Karo Farxada iyo Kalsoonida Dhexdooda Taala🥰☑ Waxay U dabaal Dagayaan Laba Sano Guuradii Kaso wareegtay Midawga Noloshooda iyo Midaynta Qalbiyadooda isu Baahi Qabay❤ ☑ Markaad Hesho Qof Ku Fahmaaya Ku Farxad galinaaya Waqti Kastana garabkaaga Taagan Ayaad Dareentaa Daganaan iyo Faraxsanaan Bilaa Xad ah 🥰✅ Waxaad Tusaale U Tihiin Lamaanayasha somaliyeed Ee Wada Jira waligiin walalayaal❤✊ @Bandhigalamaanaha20plogspot.com

Masjid Kuyaala Bosnia Oo dib loodhisay

Image
 Kani waa Masjidka Ferhat Pasha oo ku yaal magaalada Banja Luka ee wadanka Bosnia and Herzegovina, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa dhistay qaranigii 16-a ad, waxaa burburiyey horaantii Sagaashameeyadii military-ga Serbiya. Hadda ayaa dib loo dhisay, waliba waxaa loo adeegsaday dhismaha dhagixii asalka ee horey loogu dhisay. ALLE isaga ayaa diintiisa ilaashada❤️