Dhibaatooyinka dawada la isku cadeeyo!!
#Dhibaatada Dawada la isku cadeeyaa ku hayso hablaha somaliyeed hadaba waxaa iswaydiin leh waa Maxay Dawada Ay dumarka somalidu isku Cadeeyaan?
Dawooyinka Dumarku isku Cadeeyaan waxaa ka mid ah Daawooyin loogu talo galay in lagu daaweeyo ●Elerjiga iyo ●Caabuqa nabarada,
qaar kalena ay ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah Daawooyinkaasi:
. Sheerli,Diyana, Roose, moofeed, farableen, Biliij, Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo Dhiiqo, Super Rose,Riyo, Silvana cream Iyo Qaar kale oo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay somalidu degto oo aanan kusoo koobi Karin magacyadooda halkan loona istimaalo qaybaha kala duwan ee Jidhka,
Gaar ahaana Wejiga, Gacmaha, Lugaha, Qoorta, iyo Qaar la mariyo Jidhka oo dhan. Waxa intaasi dheer Bacaha lagu xidho Gacmaha, lugaha, iyo Qaar lagu seexdo habeenkii loo Gashato sida Dharka oo kale.
Badanaa Dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay Dhibaatooyin Laxaadle u gaystaan Caafimaadka Qofka ismariya waxaana ka dhalan kara Cudduro hor leh, tusaale ahaan:-
●waxa ay Dilaan unugyada Difaaca Maqaarka.
●Waxa ay Raadad xunxun ku reebaan Maqaarka Qofka isticmaala.
●Waxa uu unuglaadaa Qofka istimaalaa inuu ku dhaco Kansarka Maqaarka.
●Waxaa dhibaato ugaystaa Aragtida indhaha ee Qofka isticmaalaWaxa aan hore ubogsan Naburada ku dhaca Jidhka qofka ismariya Dawooyinkani.
●Waxaa ku sameeyaa Maqaarka Cuncun badan iyo Xasaasiyad.Waxa uu ka Soo saaraa Jidhka qofka ismariya Xaad farabadan iyo Diirka oo ka qubta qofkaasi.Waxaa uu Cimri Degdeg ku keenaa Maqaarka.
●Waxa uu Dibada usoo saaraa Xadidada Dhiiga qaada.Waxa ay ku Abuuraan Maqaarka qofka ismariya, Canbaar, iyo finan farabadan.
Waxa kale oo ay dhibaato Dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay unoqotay balwad joogta ah,
#Hadaba Maxaa Sababay In Dumarka Somaliyeed ugu Isticmaal Bataan Dawooyinka khatarta ku Ah Jidhkooda?
Badanaa waxa ay tusaale gaaban iyo Jawaab ka Dhigtaan Dumarka Somaliyeed marka aad waydiiso, in Qofka madaw aan La tixgalin, Dhinaca guurka oo ay ka nasiib badantahay inanta Cad, oo ay somalida wakhtigani aaminsanyihiin Quruxda ugu mudani inay tahay Cadaanka.
Raga ayaa ku beerla xawsada Dumarka midabka madawleh badanaa iyaga oo ku dheeldheelaya Midabka dahabiga ah ee illaahay ku manaystay ama quudhsanaya Gabadha madaw, Doqon iyo Habeenbaa madaw ee is cadee?.
Taasi ay si qaldan ufasirtaan micnaha Maahmaada oo looga jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay iyada oo gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay, waxaanay hal hays unoqotay Hablaha is cadeeya oo faan ka dhigtay baryahan danbe “Doqon iyo Habeen baa madaw”.
Dumarku badanaa waa kii Nabi muxumada Xadiis laga soo wariyay uu lahaa “waa Naaqisaatu Caqli wa diin”. way jiraan Dumar badan oo Dhaqanka iyo Diinteena Suuban ku dhaqma oo ka dheeraada wixii Dhibaato ukeeni kara Diintooda, dhaqankood, iyo Naftoobada.
Waxyaabaha ugu waawayn ee loo aanayn karo Dhibtaasi waxaa ka mid ah Aqoon la,aanta iyo Jahliga oo ku badan Dumarka Somaliyeed, hadday noqoto Xaga Diinta iyo Cilmiga kale ee Maadiga ah, Qofka bani aadamka ahna Aqoontu way toosisaa, wayna nuurisaa, Dariiqa Saxda ahna badanaa kama baydho.
Qodobka labaad ee loo aanayn karo waxaa weeyi Raga intiisa badan oo aan si uwada tixgalin Dumarka Madaw iyo Dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba baryahan danbe noqotay midabka cadaanka ah, oo aan loo eegay tusaalihii uu nabigeenu inaga siiyay waxyaabaha Gabadha muslimada ah lagu dooranayo.
Talo soo jeedin:-
waxan Talo iyo waano usoo jeedinayaa Hooyooyinka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, way ogyihiin Hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, Aakhiro-na waa lagala Xisaabtami Doonaa hadii ay ku gargaaraan Dhibkaasi ubadkooda. Runtii hooyo waliba way ka war haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso, markaa yaan la fudaydsan ayaan odhonlahaa Dhibaatadaasi maalin walba ku faafaysa Dumarkeena.
Ta labaad waxaan usoo jeedin lahaa Dumarka Somaliyeed Aqoonta Diiniga ah oo qofku bartaa Naftiisa ayay anfacaysaa, Dariiqa Saxda ahna way ku hanuuniyasaa, In lagu dhaqmo ayaa muhiim ah.
Ta seddexaad Xukuumada Masuuliyad wayn ayaa ka saran Daawooyinka Dhibaatada badan ukeenaya Dumarka Somaliyeed oo iyaga oo ka warhaya dekadaha laga soo dajinayo, Dukaamadana Camiranyihiin, Cid wax ka qabanaysaana aanay jirin.
Illaahay Dariiqa Saxda ah ha ina waafajiyo.
#share gareeey
Comments
Post a Comment