Astaamaha Laku karto Qofka Kujecel

 Wey fara badan tihiin Astaamaha lagu garto Gabadhu iney ku jeceshahay, hase yeeshee kuwooda ugu Muhiimsan ee lagu garto waxaa ka mid ah:- 


- Farxad ayaa wejigeeda laga dareemaa mar walba oo ay Maqasho Magacaaga ama ay Muuqaalkaaga Aragto.


- Waxay Barataa lana Saaxiibtaa dhammaan Asxbtaada iyo Qaraabadaadaba, si ay mar walba ugala socoto Xaaladaha aad mar walba ku Sugan tahay.


- Waxaad adigu jeceshahay ayey iyaduna jeclaataa oo Dookhaaga ayaa noqda Dookheeda.


-Si walba oo aad u Xumeysid waa tii ku Cafisa, ka hor inta aadan Adiga ka Raali gelin.


- Waxaad ku arkeysaa Hinaaso Lex jeclo ay adiga ku ilaashato, maxaa yeelay waxey rabtaa in iyada oo keliya ku yeelato, mana dooneyso Qof kale inuu Kula Qaybsado


- Nafsadeeda iyo Mustaqbalkeeda oo dhan ayey Gacantaada saartaa oo ay kugu Amintaa. 


- Ma Aqbasho Cid walba oo aan Adiga aheyn oo jacayl ula timaada.


- Daqiiqad hadeey ku weydo waxey ula dhigan tahay iyadoo Sannad ku weyday.


- Kalama jecla in aad Taajir tahay iyo inaad Faqiir aan tahay, maxaa yeelay Ulajeedkeeda u weyni ma aha Qofka aad Maanta tahay, balse waa Qofka aad Beri noqon doonto.


- Wey kaa Xanaaqdaa, balse kaama Maqnaato, Markasta oo aad is Qabataan, misana aad Heshiisaan, waxaa ku sii kordha Jaceylka ay Adiga kuu Qabto. 


- Waxey ku Bartaa dhammaan Asxaabteeda iyo Qaraabadeeda, maxaa yeelay waxaa tahay Ruuxa keliya ee ay ugu Faanto Asaageeda. 


✍️ Hadaad aqrisay qormadaan sii share gareey oo gaarsii dad kale ayaguna si ay u aqriyaan.


👉 adna fikirkaaga nala wadaag

Comments

Popular posts from this blog

Dhibaatooyinka dawada la isku cadeeyo!!

Quruxdu waa xishoodka