Quruxdu waa xishoodka



Quruxda Dumarku ma aha Dharka ay xirato, Jismiga ay Xambaarsan tahay, waxa ay Dhabankeeda ku Dhaashato, iyo Habka ay u Shanleysato Timaheeda, balse Quruxda Dumarka waa in ay ka muuqato Gudaha Indhaheeda, sababtoo ah taasi waa Albaabka Qalbigeeda.

Ogoow, Quruxda Dumarku ma aha Bar (Dhibic Madow) oo Dhabanka ku taal iyo Qeyb jirka ka mid ah oo la baneeyo, balse Quruxda dhabta ah ee Dumarku waxay ku jirtaa Ruuxdeeda, Waa daryeelka ay si Kalgacal leh u siiso Qoyskeeda, Dhawrsanaanta ay ku Dhegenaato, Dadnimada ay muujiso iyo Asturnaanta jirkeeda.

Duqsigu Wuxuu dusha ka fuulaa Cuntada wasakhda leh iyo Cuntada Afka banaan , umana soo dhowaado Cuntada Daboolan oo asturan , Dumarka asturan uma soodhowaado mid xumaan doonka ahi Halka Haweenka qaawan agteeda ay taagan Yihiin Mid walboo Xumaan doon ah.

Comments

Popular posts from this blog

Astaamaha Laku karto Qofka Kujecel

Dhibaatooyinka dawada la isku cadeeyo!!