Wey fara badan tihiin Astaamaha lagu garto Gabadhu iney ku jeceshahay, hase yeeshee kuwooda ugu Muhiimsan ee lagu garto waxaa ka mid ah:- - Farxad ayaa wejigeeda laga dareemaa mar walba oo ay Maqasho Magacaaga ama ay Muuqaalkaaga Aragto. - Waxay Barataa lana Saaxiibtaa dhammaan Asxbtaada iyo Qaraabadaadaba, si ay mar walba ugala socoto Xaaladaha aad mar walba ku Sugan tahay. - Waxaad adigu jeceshahay ayey iyaduna jeclaataa oo Dookhaaga ayaa noqda Dookheeda. -Si walba oo aad u Xumeysid waa tii ku Cafisa, ka hor inta aadan Adiga ka Raali gelin. - Waxaad ku arkeysaa Hinaaso Lex jeclo ay adiga ku ilaashato, maxaa yeelay waxey rabtaa in iyada oo keliya ku yeelato, mana dooneyso Qof kale inuu Kula Qaybsado - Nafsadeeda iyo Mustaqbalkeeda oo dhan ayey Gacantaada saartaa oo ay kugu Amintaa. - Ma Aqbasho Cid walba oo aan Adiga aheyn oo jacayl ula timaada. - Daqiiqad hadeey ku weydo waxey ula dhigan tahay iyadoo Sannad ku weyday. - Kalama jecla in aad Taajir tahay iyo inaad Faqi...
Quruxda Dumarku ma aha Dharka ay xirato, Jismiga ay Xambaarsan tahay, waxa ay Dhabankeeda ku Dhaashato, iyo Habka ay u Shanleysato Timaheeda, balse Quruxda Dumarka waa in ay ka muuqato Gudaha Indhaheeda, sababtoo ah taasi waa Albaabka Qalbigeeda. Ogoow, Quruxda Dumarku ma aha Bar (Dhibic Madow) oo Dhabanka ku taal iyo Qeyb jirka ka mid ah oo la baneeyo, balse Quruxda dhabta ah ee Dumarku waxay ku jirtaa Ruuxdeeda, Waa daryeelka ay si Kalgacal leh u siiso Qoyskeeda, Dhawrsanaanta ay ku Dhegenaato, Dadnimada ay muujiso iyo Asturnaanta jirkeeda. Duqsigu Wuxuu dusha ka fuulaa Cuntada wasakhda leh iyo Cuntada Afka banaan , umana soo dhowaado Cuntada Daboolan oo asturan , Dumarka asturan uma soodhowaado mid xumaan doonka ahi Halka Haweenka qaawan agteeda ay taagan Yihiin Mid walboo Xumaan doon ah.
Comments
Post a Comment