Aduunka ma jiro qof keligiis noolaan karra, qof kasta waxa uu u baahan yahay lamaane daacad u noqda laakiin su'aasha is waydiinta muddan ayaa ah adigu ma tahay qof daacad ah oo diyaar u ah in aan mustaqbal samaysato.

haddii ay jawaabtaadu tahay "Haa" waad hellaysaa qof wanaagsan.


waxaa jira laba nololood oo bini aadamku maraan, kuwaas oo kala ah nolol khiyaali ah oo uu qofku rejo uun ku noolaado subaxdii rejo ku soo kaco habeenkiina ku seexdo. (Iskaabulo).


iyo nolol rasmi ah oo aad u qurux badan oo ah nolosha aad haysato lamaane daacad kuu noqda oo aad markasta isaga ka heshid farxad iyo jacayl, midna ogow labadan nololood waxa caqabad badan tan danbe oo ah tan aad haysato farxada iyo jacaylka, waxa aad arkaysaa dad ku niyad jebinaya oo rabba in aad murugootid iyo xataa caqabado kaaga iman kara dhanka lamaanahaaga, waxa aadna kaga gudbi kartaa hal dariiq oo ah dulqaad.


akhriste ma kuu sheega waxyaabaha kala kaxeeya lamaanayaasha inta badan nolosha ku fashilma?. "Haa Haa Haa" waad rabtaa in aan ku sheego ok dhegaha ii fur.


ugu horayn ka jawaab Su'aalahan

intee in le'eg ayaad u dulqaadan kartaa lamaanahaaga haddii uu xataa khaladaad badan kugu sameeyo?

haddii aad og tahay in aad daacad tahay oo aad u baahan tahay qofkan ilaa intee ayuu ku eg yahay Rabitaankaagu, ma in aad qofkan qoys la samayso bes, mise in aad la galmooto, mise in aad sanad ama laba sanno la noolaato, mise in aad weligaa agtiisa joogtid farxad, murug, dhibaato, iyo wanaagba aad wada qadataan?.


su'aalahan jawaabahooda ayaa kuu cadaynaya dariiqa aad ku guulaysan kartaan adiga iyo lamaanahaagu.

Tusaale ahaan anigu waxa aan daacad u ahay xaaskayga Naruuro axmed xaashi.


siddoo kale waxa aan aaminsanahay in aan u dulqaadan karro 95% khalad kasta oo ay igu samayso in aan anigu saxo oo wanaajiyona aan diyaar u ahay, isla markaasna aanan la tar tamin iyada (Challenge), maxaa yeellay noloshayda oo dhan baan iyada u dhiibay oo u hibeeyey.


tan u danbaysa waxa aan rabbaa in aan noloshayda agteeda ku dhamaysto haddii eebe idmo sidoo kale aan siiyo farxad iyo jacayl unna sameeyo waxkasta oo ay raali ka tahay naftaydana aan teeda ka hor mariyo haddii illahay yiraahdo.


ogow haddii aad intaas diyaar u tahay oo ay daacad kaa tahay go'aankaasna aad qaadato adiga oo aan ka laabanayn waad gulaysanaysaan adiga iyo lamaanahaagu.


#Mention dheh asxaabta aad la jeclaato 

#SHEERGARAY

xuquuqda : Bandhigalamaanaha.blogspot.com

Wanaaga Qoyska plz like

Comments

Popular posts from this blog

Astaamaha Laku karto Qofka Kujecel

Dhibaatooyinka dawada la isku cadeeyo!!

Quruxdu waa xishoodka