Maxaa keena madheleesnimo
WAA MAXAY MADHALAYSNIMO?
Allah SW ayaa bixiya ilmaha balse waxaa jira cilado badan oo sabab u noqon kara in aad ilmo dhali waydo,
Waa in aadan awood u lahayn in aad uur yeelato,dumarka kaliya ma ahan qofka madhalaysnimadu ay ku dhici karto balse ragga ayaa iyaguna sidoo kale yeelan kara madhalaysnimada.
Madhalaysnimadu ma ahan micnaheedu in ay dhamaatey riyadaadii ahayd in aad ilmo dhasho balse qadarta alle iyada oo ay jirto ama la tijaabinayo adiga samirkaada ayaa laga yaaba in ay kugu qaadato in aad ilmo hesho hadaad samirto waqti dheer,
Lamaanayaasha qayb kamid ah si ay ilmo u dhalaan waxay u baahanyihiin gargaar caafimaad in loo fidiyo hadii dhakhaatiirtu ay awood u yeeshaan ciladaha jira in ay xaliyaan.
MAXAA SABABI U NOQON KARA IN AAD ILMO DHALI WAYDO?
Ragga iyo dumarkaba dhibaatada ilmo la'aanta waa u simanyihiin dumarka kaliya wax ku gaar ah ma ahan sida ay Soomaalidu aaminsantahay oo mar walba waxaa eeda ilmo la'aan dusha laga saara haweenka,
Hadaba dabeecadahaan oo aad yeelato ayaa sabab u noqon kara in aad ilmo dhali waydo.
- in aad da'weyntahay
- in aad sigaarka cabto
- in aad leedahay xanuunada ku faafa galmada
- miisaankaada oo badan ama aad u yar
- in aad qamri badan ama tubaako badan ama shiishad ama qaad badan aad isticmaasho ama taabuu.
MEELAHA AY CILADUHU KA JIRI KARAAN EE SABAB U NOQDA IN AADAN UUR QAADIN
1= UGXANTA
- ukumo haweeneyda oo aan lagu diyaarin xilliga wareegga caadada.
- ukumaha aan laga soo sii daynin ugxansidayaasha
- gabi ahaan cilad ku timaada ugxansidaha haweeneyda
2= BACRIMINTA
- in ay xirmaan toobooyinka ukumaha iyo shahwaadku ay maraan si ay ugu xiraan makaanka.
- dhaawac afka ilmo galeenka ku yimaada.
- shahwada ninka oo aad u yar
- dhibaatoyin ku yimaada shahwada ragga.
- shahwada ragga in ay awood u yeelan waydo in ay gaarto meeshii la rabey.
- dhaawac gaara makaanka haweeneyda
- awood yari ku timaada ama in gabi ahaanba qayb kamid ah la waayo dheecanada ka qayb qaada bacriminta.
MALAGA DAAWOOBI KARAA CILADAHAAN?
Haa si fudud ayaan u dhihi karnaa inta badan ciladaha madhalaysnimada keena waa la xalin karaa,
Balse in la xaliyo waxa ay ku xirantahay in la ogaado ciladu ama dhibaatadu halka ay ka jirto.
TALO SOO JEEDIN
Haka niyad jabin lamaanahaaga wll hadaad ilmo heli waydaan hal sano labo sano 10 sano 30 sano oo aad is qabteen isku samra allah ayaa ilmaha bixiyo oo cidii uu dooona siiya waxaa jira dad badan oo 30 sano is qabey oo aan ilmo helin balse Allah SW uu siiyey sanaddii 31aad kadib arooskooda mataanayaal,
Waxaan idin kugula talin lahaa in aad booqataan dhakhaatiirta ku takhasusey arimaha la xiriira ilmo la'aanta waxaa laga yaaba cilad yar oo la xalin karo in ay midkiin haysato dhakhtarkaasna illaahay uu waafajiyo kadibna aad ilmo heshaan....
U Gaarsiiya asxaabtiina wll sida aan idiin soo gaarsiiyey oo u SHARE gareeya side Facebook Twitter.IWM
Mahadsanidiin
Share
Comments
Post a Comment